salaad baa idhaaftay!



    Salaad baa idhaaftay

 

Sanado badan ayaaan lasocday  xalada odaygan duqa ah ee ay da,diisa sigeyso siddetamaadka  wxyar ka hor eedanka saladaha marka aan firiyo  jidka wxa ii muuqan jiray isago oo ka kutubayo ushiisa haya dhabbaha taga masjidka isla markana ay ka muuqdaan foolkisa dhoola cadeyn iyo degenani

Maskaxdeyda waxa kuso dhici jiray kumanan waydimood oo ay ku dheehan yihiin yaxyax iyo xishood  lakiin si degdeg ah waxa hirdan adag ula gali jiray kooxo kale oo marmarsiyaal xeel dheer ah waydimihii iga dhex guuxayay iyo yaxyixii I hayayba hore ayay ka hollelijireen marar kale ayaan sheedalin jiray jidka wxaan isha ku dhufan jiray isla odaygii oo usocda gurigiisa jaarkana sii wada baridin jiray  anigoo yaaban ayaan fiirin jiray sacaddayda  waxa aan xasusta marmarsiyo ka mid ah  kuwa igu cusla ee kuso laalaban jiray maskaxdeyda waxyar ka hor wakhtiyada saladaha in uu aha

(waad mashqulsan tahy ee duko markaad hesho fursad waxa aan iswaydiyay  daqiiqadahan kooban ee la dukanayo gacanta maku heysa howl  muhiim ah kuwaas oo hadii aad hakiso shaqadada wax yeelaya )

Wxaan dhowri jiray duufaano isugu jira marmarsiyaal iyo warcelino lagu qanci karo oo igaga filnaada waydiinta laakin  maheli jirin duufanadani waxa ay isoo buuqan jireen wxayar ka hor saladaha ka dibna waa aan waayi jiray meel ay mareen waxa aanay igaga sii tagi jireen aamusnan dheer iyo guux gudeed dhab ahaantii salaad baa I dhaaftay

 

Salaad baa idaataftay!

 

watikah badaan aan ku toosay shanqadha usha addoonkan

Wanaagan ee ay buuxisay foolkiisa farxadu isaga oo siihaya jidka taga masjidka , si uu u eedaamo salaada subax!

Waxa aan ka war qabay inuu leeyahay masjidka tukiye iyo edaame dhexdegan kuwaas oo howshooda u qabsada si maalinle ah, laakiin, salaada subax adoonkan ayaa faraha looga qaaday. Sanado door ah ayay maqalkeyga ku soo dhacaysay shanqadha Usha odaygan duqa ah, kaas oo aanay ka hakin salaadaha qabow iyo roobtoona.wakhti badan ayaa tagay, xaalado door ahna way is dabamareen walina ushii waa ay itoosinaysaa! Ammin kasta oo ay ushani iga kiciso hurdada waxa aan kala hor tagaa mowjado marmarsiyayaal maangal ah,  hurdadayda waa aan sii wataa aniga oo uhogaan samaya naftayda. Naftayda waxa ay igu qancisay odaygani waa uu dhafraa ilaa laga gaadhayo salaada subax, kadibna hore ayuu ka seexdaa, sidoo kale waxa uu haystaa shaqo u gaar ah, taas oo aan cidna kula xisaabtamin, sidaa darteed waxaa u fududaatay sanado badan inuu dowro salaadaha. Aniga miyaa, waxbrashada guud jaamacada iyo shaqadu waxaay ahaayeen xujooyinkii ugu xoognaa ee aan kaga meereysan jjiray salaadaha, xili kasta oo ay naftayda u hiiftana, waxa  aan ugu laab qaboojin jiray Maalin uun ayaa samayn doonaa

waxaa gaadhay maalinkii aan odaygan wax ka waydiin lahaa shaqadiisa iyo noloshiisa maalinlaha ah. Waxaa iisoo baxday in aanu soo jeedin habeenkii iyo sidoo kale in aanu seexan wakhti dambe, waayo waa uu shaqeeyaa habeen kii iyada oo xaladu sidaa tahay, saacado koobanna uu seexdo, hadan subax kasta waxa uu soo kacaa kadibna eedaamaa. Wakhtigan aniga iyo naftayda ma aanu murmin; waayo, mahaysato wax ay ku marmarsooto, Subixii xigay ammintii aan ku hamiyey in aan soo

tukado ayey naftu igu tidhi.

 

Salaad baa idaataftay!

“kani waa deeraad alle (Swt) siiyo cida uu calmado, adigana maalin maalmaha ka mid ah ayaa ku soo hanuunidoontaa” hurdadaydii ayan iska sii watay, salaadiina waa ay I dhaaftay! Ammin dheer ayaan arkayay shaqaale hoosaadkan oo ay ka muqdan foolkiisa dhoolallacadaynta iyo farxad is huwani, xili kasta oo aad jaleecdo waxa aad daremaysaa raali ahaansho, aragridiisuna gudahayga waxa ay u dirtaa dhambaalo Tamar togan ah, is la wakhtiga uu maqlo eedanka ka salaada ha ayuu irida ulaabaa goobtiisa shaqo, tilaabo dagdagna waxa uu uqaadaa dhanka masaajidka  xiliyadii koobnaa ee aan tagay masjidka, ishaydu waxa ay qabatay isaga oo waysaysanaya isku beegaya tiir inta aan salaada loo kicinna tukanaya rakcado dhowr ah oo aan salaad caadiya ahayn.

Waxa uuna gelijiray xaalad gaar ah oo laga dheehan karayey xidhiidka xoogan iyo jacayka daran ee ka dhexeeya isaga iyo rabigii waxa uu tukanayey salaad ka duwan salaadda ay tukadaan filkii dhiniciisana waxaa iga soo gaadhayey guux hoose igu riixayey fuduulin muhasho. Salaadii ayuu  ku mash quulsanaa, waxa aanad mooday In anu cidna arkan, sidoo kale, waxa uu aha qof daggan, xasiloon oo hoganaya; rakcad kaliya ayuu tukanayey inta ay filkii tukanayeen afar rakcadood waxa uuna dheereynayey rukuucda, taagnida, sujuuda, iyo fadhiga udhexeeya labada sujuudood naftayda ayaan weydiiyey; “ninkani muxuu akhriyaa horta? Ma waxa uu garanayaa ducooyin aanay kasayn dadka kale?!”

Adookan salaadiisa ayaan u bogay. Waxa aan jecleystay salaadisa oo kale in aan tukado maalin uun, laakiin, ma awoodayo; waayo, sida aan aamin sanahay maahan howl fudud oo si sahal ah loo fulin karo, mana garanayo sababta aan sidegdeg ah ugu karaar jabayo ee aan halkaygii hore ugu miisayo! Salaado badan baa idhaafay!

 

 

 

Salaad baa idhaafay!

 

 

Comments